Qaramada Midoobay

Maabka xubaha qaramada midoobay[lower-alpha 1]
FadhigaXarunta sare New York (Deegaanada Caalamiga)
Luuqadaha Dowliga
Loo qoro Urur Xidhiidhiya Dowladaha
Xubinimo 193 wadan
2 Deegaan
Hogaanka
 -  Xoghayaha Guud Ban Ki-moon (Koonfur Kuuriya)
 -  Xoghaye Ku Xigeen Jan Eliasson (Iswidhan)
 -  Madaxwaynaha Golaha Sare Sam Kutesa (Yugandha)
 -  Madaxweynaha Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshooyi ka Martin Sajdik
 -  Madaxweynaha Golaha Amniga Dato Ramlan Ibrahim
La soo xulay
 -  Sharciga Qaramada Midoobay waxa la saxeexay 26 Juun 1945 (1945-06-26) 
 -  Dastuurka waxa la howlgaliyey 24 Oktoobar 1945 (1945-10-24) 
Website
www.un.org
Kani waa maqaal ku saabsan Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa.
Boga "UN", "UNO", "QM" iyo "Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa" halkan ayaa laga soo toosiyay.
Qaramada Midoobay

w:zh:联合国Qaramada Midoobay (Af-Ingiriis: The United Nations Organization; Af-Carabi: الأمم المتحدة) sida saxda ah lagu magacaabo "Ururka Qaramada Midoobay", waa urur caalami ah oo ka dhexeeya dalalka aduunka kaasi oo fadhigiisu yahay caasimada New York cariga Maraykanka. Ururka Qaramada Midoobay waxa la aasaasay Oktoobar 24, 1945 si loogu badalo ururkii ka horeeyay ee "Midowga Umadaha" (League of Nations). Ujeedada iyo hadafka Qaramada Midoobay wuxuu ahaa in uu ka shaqeeyo xidhiidhka wadanada xubnaha ka ah iyo in uu ka hortago dagaal ka qarxa wadanada caalamka.

Qaramada Midoobay waxaa lagu bilaabay heshiiska 51 wadan, laakiin sanadii ka dambeeyay ururku wuu balaadhay waxaana maanta xubin ka ah 193 wadan. Qaramada Midoobay waxaa maanta fadhi u ah caasimada New York, wadanka Maraykanka, wuxuuna xafiisyo waawayn ku leeyahay meelo kale oo dunida ah, sida Xafiiska Janiifa (Geneva), xafiiska Nayroobi iyo xafiiska Fiyena (Vienna). Ururka waxaa maalgeliya dhaqaale qiimaysan oo uu ka helo wadanada xubnaha iyo deeq caalami ah oo ka soo gasha wadanada qaar, ganacsato iyo shirkado gaar loo leeyahay. Waxaana ka mid ah hadafka Ururka Qaramada Midoobay inuu ka shaqeeyo nabad caalami ah, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, daryeelka bulshooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha, ilaalada deegaanka, fidinta gargaarka dagdaga ah ee meelaha ka dhacaan abaaro, musiibo dabiici ah iyo colaada.

Wakhtigii uu socday Dagaalkii Labaad ee Aduunka ayaa madaxweyihii Maraykanka Franklin D. Roosevelt soo jeediyay in la aasaaso urur bedela Midowga Umadaha, waxaana la bilaabay qoritaanka Dastuurka Qaramad Midoobay ka dib markii la galay shirweyne dhacay intii u dhaxaysay Abril–Juun 1945; wuxuuna dastuurkani hirgalay bishii Oktoobar 1945, wakhtigaasi oo Qaramada Midoobay howl biloowday. Hadaba ujeedada iyo jiritaanka Qaramada Midoobay wuxuu shiki galay wakhtiyadii Dagaalka Qabow socday kaasi oo u dhexeeyay labo awoodood ee Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti iyo xuladadeeda. Si kastaba ha ahaatee ururku wuxuu kaalin libaax ka qaatey farogalintii "Dagaalkii Labada Kuuriya" iyo "Howlgaladii Koongo".

Xubnaha ururku aad ayay u koreen wixii ka dambeeyay sanadihii1960kii wakhtigaasi oo wadano badan xoriyada qaateen. Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Qaboowa Ururka Qaramada Midoobay wuxuu bilaabay inuu talaabo milatari qaado kuwaasi oo isbedel la taaban karo ka gaadhay. Guud ahaan Qaramada Midoobay waxay ka kooban tahay lix waaxood: Golaha Sare (oo ah waaxda maamulka guud gacanta ku heysa); Golaha Amniga (waaxdani waxay go'aamisaa xalka amaanka iyo nabada); Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada (ECOSOC) (waaxdani waxay ku shaqo leedahay dhiirigelinta iyo horumarinta dhaqaalaha caalamka iyo horumarka bulshooyinka); Golaha Xoghaynta (waaxdani waa maamulka iyo soo ururinta akhbaarta iyo macluudka Ururka Qaramada Midoobay u baahan yahay); Maxkamada Cadaalada Caalamiga (sidoo kale loo yaqaano Maxkamada Aduunka, waa waaxda u qaabilsan cadaalada); iyo Golaha Kalsoonida (United Nations Trusteeship Council) midkaasi oon shaqaynin tan iyo 1994.

Other Languages
Afrikaans: Verenigde Nasies
Alemannisch: Vereinte Nationen
অসমীয়া: ৰাষ্ট্ৰসংঘ
Boarisch: UNO
Bikol Central: Nagkakasararong Nasyon
беларуская (тарашкевіца)‎: Арганізацыя Аб’яднаных Нацыяў
বাংলা: জাতিসংঘ
বিষ্ণুপ্রিয়া মণিপুরী: জাতিসংঘ
Mìng-dĕ̤ng-ngṳ̄: Lièng-hăk-guók
dolnoserbski: Zjadnośone narody
estremeñu: Nacionis Unías
Nordfriisk: Feriand Natjuunen
贛語: 聯合國
Avañe'ẽ: Tetãnguéra Joaju
गोंयची कोंकणी / Gõychi Konknni: संयुक्त राश्ट्रसंघटना
客家語/Hak-kâ-ngî: Lièn-ha̍p-koet
Fiji Hindi: United Nations
hornjoserbsce: Zjednoćene narody
Kreyòl ayisyen: ONI
Bahasa Indonesia: Perserikatan Bangsa-Bangsa
日本語: 国際連合
la .lojban.: gunma natmi
Kabɩyɛ: ONU ŋgbɛyɛ
kalaallisut: FN
한국어: 유엔
kernowek: Kenedhlow Unys
Lëtzebuergesch: Vereent Natiounen
Lingua Franca Nova: Nasiones Unida
македонски: Обединети нации
မြန်မာဘာသာ: ကုလသမဂ္ဂ
Plattdüütsch: Vereente Natschonen
Nederlands: Verenigde Naties
norsk nynorsk: Dei sameinte nasjonane
Papiamentu: Nashonan Uni
پنجابی: اقوام متحدہ
armãneashti: Natsiile Unite
ᱥᱟᱱᱛᱟᱲᱤ: ᱡᱟᱹᱛᱤ ᱜᱟᱫᱮᱞ
sardu: ONU
sicilianu: Nazzioni Uniti
davvisámegiella: Ovttastuvvan našuvnnat
srpskohrvatski / српскохрватски: Ujedinjene nacije
Simple English: United Nations
Gagana Samoa: Malo Aufaatasi
Seeltersk: Fereende Natione
Kiswahili: Umoja wa Mataifa
oʻzbekcha/ўзбекча: Birlashgan millatlar tashkiloti
vèneto: ONU
Tiếng Việt: Liên Hiệp Quốc
吴语: 联合国
Vahcuengh: Lenzhozgoz
中文: 联合国
文言: 聯合國
Bân-lâm-gú: Liân-ha̍p-kok
粵語: 聯合國