Kitaab

Kitaab

Kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka.
Bogag ka mid ah kitaabka Quraanka kariimka ah ee diinta Islaamka.

Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub"; Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav") waa erey af-Carabi[1] ah oo macnaheedu tahay "buug".[2]Intaasi waxaa dheer ereyga "kitaab" waxaa loo isticmaalaa in lagu qeexo kutubta afarta ah iyo suxufiga Ilaahay (s.w) ku soo dejiyay ama u soo waxyooday Rasuusha iyo Nebiyada. Sidoo kale, marka la soo qaado ereyga Al-Kitaab waxaa loola dan leeyahay ama la sheegayaa oo loo adeegsadaa kitaabka Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka.[3]

Isku soo wada duuboo kutubta Alle (s.w) ku soo dejiyay Anbiyada iyo Rusuusha waa afar kitaab iyo dhowr suxufi. Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab[4] oo la kala siiyay afar Rasuul.Kutubtaasi waxay kala yihiin:

Intaasi waxaa soo raaca dhowr suxufi oo lagu soo kala dejiyay anbiyo iyo Rusul, waxaana ka mid ah:

Jadwalka Nabiyada iyo Rusuusha Kutubta lagu soo dejiyay

Sida ku cad kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg waxaa jira tiro badan[9] oo nabiyo iyo rasuul ah oo kutub.[10] Kuwaasi waxaa ugu horeeyay Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada kitaabka Al-Furqaan ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg.[11]Intaasi marka laga yimaado waxaa jira tiro kale oo nebiyo iyo rasuul ah oo Rabbi u soo diray kutub, laakiin inagu aqoon uma lihin kuwaasi, waxaana tusaale inoo ah: Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis oo dhamaantood leh kutub aynaan cilmi u lahayn.[12]

Isku soo wada duuboo, kutubta ku xusan kitaabka Quraanka kariimka ah waa kitaab iyo labo suxufi kuwaasi oo kala ah:

Nabiyada iyo Rusuusha Lagu soo Dejiyay Kitaab
(ﮐﺘﺏ الأنبیاء والرسل)
MagacaMagaca
Af-Carabi
KitaabkaSuxufiSharaxaad Kooban
Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svgﻧﺒﻲ ﻣﺤﻤﺪKitaabka Quraanka
"Al-Furqaan"
(ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ)
-
Nebi Ciiseﻧﺒﻲ ﻋﻴﺴﻰKitaabka Injiil
"Masiixiyad"
-
Nebi MuuseﻧﺒﻲﻣﻮﺳﻰKitaabka Towraad
(ﺗﻮﺭﺍﺓ)
Suxufi Muusa
Nebi Daa'uudﻧﺒﻲ ﺩﺍﻭﺩKitaabka Sabuur
(ﺯﺑﻮﺭ)
-
Nebi Ibraahimﻧﺒﻲ ﺇﺑﺮﺍﻫﻴﻢ-Suxufi Ibraahim

Qoraalo La Mid Ah

Xigasho

  1. "Kitaab Kutub (ingiriis: book, kitab; carabi: ﮐﺘﺎﺏ, "kitaab"; wadar: ﮐﺘﺏ, loogu dhawaaqo "kutub""
  2. "Giriig: κιτάπι, loogu dhawaaqo: "kitabi"; Kiswahili: kitabu; af-Hindi, af-Faarsi, Urdu, Af-Turki: "kitap"; Hebrew: מך, "kethav"
  3. "Quraanka ah ee saldhiga u ah diinta Islaamka"
  4. "Quraanka kariimka ee aasaaska u ah diinta Islaamka, Ilaahay sareeye wuxuu soo dejiyay afar Kitaab oo la kala siiyay afar Rasuul"
  5. "*Kitaabka "Al-Furqaan" ee lagu soo dejiyay Nebi Muxamed"
  6. Kitaabka "Injiil" ee lagu soo dejiyay Nebi Ciise
  7. Kitaabka "Towraad" ee loo soo diray Nebi Muuse
  8. Kitaabka "Sabuur" ee Ilaahay ku soo dajiyey Nebi Daa'uud
  9. kitaabka Quraanka kariimka ah ee Alle u soo waxyooday Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg
  10. nabiyo iyo rasuul ah oo kutub
  11. "Nabi Ibraahim oo Alle u soo diray qoraalada Suxufi Ibraahim"
  12. "Nebi Ismaaciil, Nebi Yacquub iyo Nebi Yoonis"
Other Languages
bosanski: Kitab
Deutsch: Kitab
English: Kitab
한국어: 키타브
Bahasa Melayu: Kitab
русский: Китаб